daajis.com:- Qaar ka tirsan Soomaalida daggan xaafada Ceder ee MN ayaa waxey ayagoo careysan weerar kusoo qaadeen xaflad uu fanaanka Soomaaliyeed ee Keynaan Warsame ku qabanayay xaafaddooda ayagoo ka duulayay kana careysanaa filinka uu dhawaan K’naan ka sameeynayo Soomaalida Minneapolis ee dalkaasi Mareykanka iyo sida loogu qalqaaliyo dhalintooda in loo diro jihaad ku sheegga ama dagaalada ay kooxaha argagaxisada ka wadaan dalalka Islaamka ee dagaalada ka socdaan , Waxeyna dadkaani ku doodayeen inuu Keynaan filinkiisa sawir qaldan ka baxinayo Soomaalida halkaa daggan.
Booliska ayaa soo dhaxgalay buuqii oo isku dayay inuu dajiyo arrinka balse waxey noqotay in ay sheekadu isku bedeshay tuuryo iyo foowdo qalalaase wadata taasoo keentay inuu K’naan iskaaga tago meeshii waxaana ay kadib ka tafatay oo faraha isla galay dhalinyaro difaaceysay Keynaan iyo kuwii kasoo horjeeday waxaana goobtii ay kusoo dhamaatay bannad iyo kala carar.
Wararkale ayaa iyagana sheegaya in waxa Keynaan lagula kacay ay taasi aheyn balse ay tahay inuu xeriir toos ah la sameyn dhalinyarada daggan magaalada oo uu howshiisa iska bilaabayay asigoo la xeriiray kaliya dhowr qofood oo xaafaddaha ama bulshada ka warheyn. Taasoo ay ka caroodeen dadkaani. waana is fahan waa ayaa la oran karaa oo dhex maray fanaankan iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagan MN .
K’naan ayaa soo saare ka ah filim cusub oo musalsal ah kaasoo ka hadlaya argagaxisada iyo dhalinta jihaadka lagu qaldayo saameynta ay ku reebeen bulshada Soomaaliyeed qaas ahaan kuwa jooga Mareykanka maadaama dhalaan badan oo Soomaliyeed ay ku waayeen naftooda ku biirista kooxaha mintidiinta ah kuwaas oo u dira dalalka ay dagaalada ka socdaan sida Suuriya iyo Ciraaq.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:00 and have
, Published at