daajis.com:- Shacabka ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa bilaabay inay cunaan oo ay jecleystaan cunto Soomaaliga, maadaama ay tahay cunto ka badalan tan ay marwalba cunaan.
Dadka Kenyaatiga ah ayaa badanaa cuna cuntada ay dhaqanka u leeyihiin ee FU-FU oo ah soor kakan oo lagu cuno maraq ama baroodo.
Magaalada Nairobi ayaa waxaa hadda ku soo badanaya Soomaalida furanaysa maqaayadaha, maadaama dadka Keenyaatiga ah ay aad u soo jeclaanayaan Baastada iyo Bariis soomaaliga.
Sababta kale oo ay bulshada Kenyaatiga ay uga helaan cuntada soomaalida ayay tahay, iyagoo la siiyo saxamo buuxo iyo qiimo jaban, taasi oo dhalisay in ay isu sheegaan maqaayadaha Soomaalida.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:00 and have
, Published at