daajis.com:- Dhalinyaro Soomaali ah oo ku sugan magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga ayaa waxa ay soo ogaadeen in uu dalka Talyaaniga soo gaaray Muqalas caan ka ahaa gudaha dalka Liibiya kaas oo dhibaatooyin kala duwan u soo geeystay waliba in mudo ah ku silcin jiray Saxaraha iyo dalka Liibiya .
Muqalaskaan oo magaciisa lagu soo koobay Ismaaciil ayaa waxa uu ka tirsanaa kooxda loo yaqaan Magafe ee dadka Tahriibisa waana Soomaali inta badan loo soo adeegsan jiray Soomaalida kale.
Dhalinyaro badan oo Ninkaan soo weerartay ayaa waxa ay sheegeen in uu ku soo silciyay gudaha dalka Liibiya ayna Maxkamad la kori doonaan .
Ninkaan Muqalaska ah oo maalin cad lagu dhex garaacay magaalada Milaano ayaa waxaa kiiskiisa la wareegay ciidamada Booliiska dalka Talyaaniga, kuwaas oo hadda baaritaano hor dhac ah ku hayo, waxeyna horay u sii kaxeeysteen dhalinyaro fara badan oo Wiilal iyo Gabdho iskugu jira si ay Maxkamada uga hor cadeeyaan dambiga loo heysto ninkani muqalaska ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:06 and have
, Published at