MUUQAAL: RW. Cumar oo ka hor-yimid in Xildhibaanada Hiiraan iyo Sh/DHEXE Lagu soo Xulo magaalada MUQDISHO

MUUQAAL: RW. Cumar oo ka hor-yimid in Xildhibaanada Hiiraan iyo Sh/DHEXE Lagu soo Xulo magaalada MUQDISHO

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hor-yimid soo jeedintii ka timid qaar ka mid ah Oday dhaqameedyada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee ahaa in Xildhibaanada goboladaas lagu soo xulo magaalada Muqdisho.


Guddiga doorashooyinka dadban oo la kulmay qaar ka mid ah madax dhaqameedyada ayaa ka aqbalay soo jeedinta, iyadoo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo fadhigiisu yahay magaalada Beledweyn uu ka soo hor-jeestay.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay in go’aan ka gaaaridda goobta lagu qabanayo Doorashada Xildhibaanadda Goboladda Hiiran iyo Sh/Dhexe ay tahay mid u taalla Dowladda Federaalka.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in Guddiga doorashooyinka looga baahan yahay inay wada-tashi la sameeyaan Odayaasha dhaqanka labada Gobol ee ku jira liiska 135-ta, kadibna natiijada ka soo baxda wada tashigoodana ay u soo gudbiyaan dowladda Federaalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada