daajis.com:- Gen. Maxamed Jimcaale Rooble Goobaale oo ahaa taliyihii guutada saddexaad ee ciidanka millateriga Soomaalia, iyo qaar kamid ah ilaaladiisa ayaa goor-dhaweyd lagu dilay Qarax ismiidaamin ah oo lagula beegsaday meel u dhow albaabka Xerada Guul-wadayaasha oo ku dhaw dhismaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.
Wararka ina soo gaaraya ayaa sheegaya in gaari qarax laga soo buuxiyay lala beegsaday baabuurkii uu saarnaa Jen. Goobaale, magaalada Muqdisho, sidoo kalena waxaa weerarkan ka dhashay khasaare dhaawac ah, kuwaasoo soo gaaray ciidamadii la socday sarkaalka.
Gen. Goobaanle ayaa la sheegay in uu u dhintay dhaawacii soo gaaray, iyadoo dhaawacyadii ka dhashay weerarkan la dhigay Isbitaallada ku yaala magaalada Muqdisho qaarkood.

Gen. Maxamed Jimcaale Rooble ayaa ahaa sannadihii u dambeeyay taliyihii guutada saddexaad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed wax uuna ka howlgali jiray Gobolka Shabeellada Hoose.
Majirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda weerarka maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, C/fitaax Cumar Xalane oo ah afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo saxaafadda kula hadlay goobtii uu qaraxu ka dhacay, ayaa xaqiijiyay in General Maxamed Jimcaale Rooble Goobaale uu ku geeriyooday weerarkaasi.
DHAGAYSO
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 04:00 and have
