daajis.com:- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta si rasmi ah waxaa uu magaalada Muqdisho uga dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada sanadkan 2016 dalka ka dhici doonta.
Munaasabad qado aheyd oo ka dhacday Hotelka City Palace magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen ku dhowaad 2-kun oo ruux oo isugu jiray Xildhibaano, siyaasiyiin, Saraakiil ciidan, aqoonyahano, haweenka, dhalinyarada, odayaasha dhaqanka iyo culumaa’udiinka ayaa waxaa uu ka cadeeyay inuu mar kale doonayo inuu qabto xilka hoggaanka qaranka
Khudbadihii laga jeediyay Munaasabada ayaa lagu soo hadal qaaday waxqabadkii Madaxweyne Shariif mudadii 3-dii sano ee uu hoggaaminayay dowladdii KMG iyo marxaladii uu dalka soo maray iyo sida dalka uga saaray xaaladii adkeyd.
Sheekh Shariif ayaa munaasabada ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay ayuu ku sheegay in sababaha uu isku soo sharaxay ay tahay dad badan oo Soomaaliyeed inay ka dalbadeen inuu u istaago xilka Madaxweynaha, isagoo xusay inuu heysto khibrad iyo waaya aragnimo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:08 and have
, Published at