daajis.com:- Waxaa 13-kii bishan maalin salaado ah, magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ay marti-gelisay Shir Madaxeedkii Urur gobaleedka IGAD oo isagu markii ugu horeysay lagu qabto gudaha Soomaaliya tan intii la dhisay 1986.
Waxaan ka baranay inaan shir kasta oo heer caalami ah ay Soomaaliya marti-gelin karto, laguna qaban karo magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, Wax fal arga-gixiso ah ama fal dambiyeed ma dhicin tan iyo intii ciidamada qalabka sida ay dhiisha gunta isaga dhigeen in ay xaqiijiyaan amaanka Caasimada, waxaa sidoo kale xusid Mudan Amisom.
Waxaan baranay oo si wanaagsan u sahminay in doorashada nagu soo fool leh ay si nabbad ku jirta u qabsoomayso oo aan jirin wel-wel dhinaca amniga ah, waxana cashar laga bartay tan, wixii khaldana la sixi doona.
Waxaan ka baranay in Soomaaliya go’aan xoog leh qaadan karto, ay joojisay, joojin karto Khaat-ka nooga yimaada dalka Kenya.
Waxan ka baranay oo aan ka faa’idnay in dawladaha ay wax naga dhaxeeyaan aan kula gor-gortami karno danaha naga dhexeeyo iyada oo loo hiilanayo shacabka Soomaaliyeed.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:30 and have
, Published at