daajis.com:- Fanaanada u dhalatay Mareykanka ee Janet Jackson ee la dhalatay fanaankii caanka ahaa Michael Jackon ayaa waxey xaqiijisay wararka ayaamahan la hadal hayay ee ahaa in ay uurkii u horeeyay yeelatay ayna caloosha ku siddo wiil xiligaan oo ay 50 jir tahay.

Heesaada Janet ayaa uurkeeda kusoo bandhigtay wargeyska caanka ah ee People iyadoo waliba intaa raacisay in ay Alle ugu mahad celineyso taasi.

Janet jackson oo 50 jir ah ayaa uurkan u qaadday ninkeeda milyaneerka ah ee u dhashay dalka Qadar ee lagu magacaabo Wissam Al Manaac oo 41 jir ah  waxaana ay isguursadeen horraantii sanadkan.iyadoo isla sanadkaanba war farxad leh kasoo dhawaajiyay.

Waxaa la sheegay mar dhexdaas in Janet Jackson ay iyadu muslimtay ayna qaadatay diinta ninkeeda, oo ay ninkeeda ku raacday diinta ay haysato.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada