daajis.com:- Wararkii ugu danbeeyay ee ka imaanaya deegaanka Godinlabe oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xaalada ay caawa degan tahay, isla markaana gacan ku haynta ay la wareegeen ciidamada maamulka Galmudug.
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay afar qof oo uu ku jiray Taliyihii ciidamada Ahlusuna Axmed Maxamed Odawaa (Axmed Dheere), waxaana ku dhaawacmay 20 qof oo labada dhinac ah, kuwaasi oo dhaawacyadooda la geeyay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusa Mareeb.
Dagaalka oo labo jeer ka dhacay deegaanka ayaa markii hore waxaa uu u dhaxeeyay Ciidamada Galmudug iyo maleeshiyo hubeysan, waxaana dagaalka ku soo biiray Ciidamo ka tirsan Ahlusuna oo taageerayay Maleeshiyada hubeysan.
Saraakiil ka tirsan Ahlusuna ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidamada Axmed Dheere uu ku dhintay dagaalkii dhacay duhurnimadii maanta.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo galabta gaaray deegaanka Godinlabe, kaddib markii ay isaga baxeen Ahlusuna ayaa la sheegay in mar kale dagaal ay soo qaadeen. Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha Galmudug uu dib ugu laabtay degmada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.
Maamulka Galmudug ayaa dagaalka ku eedeeyey maamulka Ahlu-Sunna, oo ay sheegeen in dagaalka ay kasoo agaasimeen magaalada Dhuusomareeb. Ahlu-Sunna waa ay beenisay inay dagaalka ku lug leedahay.
Xiisad iyo dhaq dhaqaaq ciidan ayaa laga dareemayaa magaalooyinka Dhuusa Mareeb iyo Cadaado, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalo hor leh inuu deegaanka ka qarxo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:15 and have

