Gabar ay ISIS kufsadeen oo abaalmarin lacageed la gudoonsiiyay

Gabar ay ISIS kufsadeen oo abaalmarin lacageed la gudoonsiiyay

daajis.com:- Gabar Yazidi ah, oo ay qabsadeen IS kadibna xoogeen ayaa ku guulaysatay abaalmarin sare ee xuquuqda bini’aadanka.

Nadia Murad ayaa ka heshay abaalmarinta Vaclav Havel ee xuquuqda bini’aadanka Golaha Yurub.

Miss Murad ayaa noqotay hogaamiye ololaha xoraynta dadka Yazidi-ga, iyo joojinta dadka sharci darada lagu dhoofiyo kadib markii ay ka soo fakatay kooxda IS bishii November 2014.

Nadia oo 23 jir ah ayaa la qabsaday oo laga dhigay adoon saddex bilood iyadoo ka mid ahayd 5,000 oo dumar iyo gabdho la qabsaday.

Bilihii la haystay, dhowr jeer ayaa la iibiyay, oo ay ku sameeyeen xadgudub jirkeeda kooxda IS.

Miss Murad, oo ay Qaramada Midoobay u magacawday safiir bishii September, ayaa ku baaqday in la sameeyo maxkamad caalami ah oo lagu qaado danbiyada ay sameeyaan kooxda IS, markay jeedinaysay qudbadii ay ku aqbashay abaalmarinta ee magaalada Strasbourg.
Waxay ku sheegtay weerarka IS ay ku qaaday Yazidi “xasuuq”, waxayna sheegay “Dunida xorta ah inaysan waxba ka qabanayn.”

Abaalmarinta, oo la siiyo bulshada rayidka ee qabta shaqooyinka fiican oo difaaca xaquuqda bini’aadanka,ayaa wadata 60,000 euros (£54,250;$67,000).

Isha: BBC

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada