Daawo Muuqaal: Ciidamada Itoobiya oo Bilaabay Inay isaga baxaan Soomaaliya

Daawo Muuqaal: Ciidamada Itoobiya oo Bilaabay Inay isaga baxaan Soomaaliya

daajis.com:- Ciidamada dalka Itoobiya ee ka tirsan Hawl-galka Midowga Afrika AMISOM ayaa bilaabay inay y isaga baxaan deegaano ka tirsan Soomaaliya oo ay ku sugnaayeen.

Ciidammada waxay Itoobiya isaga baxeen saldhig ay ka degenaayeen deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan, iyaga oo u ruqaasaday dhinaca xadka gaar ahaan deegaannada dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, Waxaana Halkaasi markiiba Qabsaday Ciidamada Al-shabaab.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanka Ceel Cali ayaa warbaahinta u sheegay in ay lama filaan ku noqotay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya, halkaasoo aheyd goobihii dagaalada culus ka dhaceen ka hor inta aanay la wareegin.

Ugu dambeyntii, ka bixintaanka deegaannadan ee ciidamada ee deegaannadii ay kaga sugnaayeen gobolka Hiiraan ayaa imaneysa xilli dhawaan filayo in dalka ay ka dhacdo doorasho, Sidoo kalana Itoobiya ay ka Jirto Xaalad Kacsanaan ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada