daajis.com:- Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug oo iskaashanaya dagaaladii isdaba jooga ahaa ee ka dhacay magaaladda Galkacayo.
War-murtiyeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyadda Puntland ayaaa lagu sheegay in dowladda Puntland ay cadaynayso in maalmihii la soo dhaafay Hub iyo rasaas tiro badani ay ka degayeen garoomadda Magaaladda Cadaado iyo koonfurta Galkacayo, hubkaas ay leeyihiin Ciidmadda Federaalka Soomaaliya , kuwasoo ka kooban gaadiidka dagaalka iyo qoryaha darandooriga u dhaca, kuwaasi oo loo adeegsanayo weerarada lagu soo qaadayo Puntland.
Puntland ayaa dhowaan waxay Dagaalka ku eedeeyay Al-shabaab iyo Galmudug, Iyadoona hada meesha ka saartay Al-shabaab kuna Badashay Dawlada Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 17:29 and have
