daajis.com:- Xildhibaanadii ka tirsanaa maamulka Khaatumo, ee dhowaan la baxay Badbaado-Khaatumo, ayaa maanta Si rasmi ah uga Tanaasulay Fikerkaasi, waxayna sheegeen in madaxwaynaha Khaatumo iyo Golayaasha Dawladu ay Qanciyeen.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale soo dhoweeyay Go’aankii Maamulka khaatumo uu wadahadalka kula furay maamulka somaliland, Waxayna sheegeen in marka hore uu wada Xaajoodku yahay Shay Dastuuri ah, iyadoona Mad-madowgii ka dhashay arintaasi si wanaagsan uu maamulka isaga Afgartay, Taasina ay keentay inay Tanaasulaan oo Raali gelin ka bixiyaan, Waxayna sheegeen in dad badan oo cadow ah ay doonayeen inay ka Faa’iidaystaan Arintaasi.
Ugu danbayntii waxaa Halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Baarlmaanka khaatumo oo soo dhoweeyay Hadalka Xildhibaanada, Wuxuuna ka hadlay sidoo kale arimo kale oo dhowr ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 17:27 and have
