DAAWO: Donald Trump oo Reeli gelin Bixiyey, Markii la shaaciyey Muuqaal Qarsoodi ah oo Buuq Xoogan Dhaliyey

DAAWO: Donald Trump oo Reeli gelin Bixiyey, Markii la shaaciyey Muuqaal Qarsoodi ah oo Buuq Xoogan Dhaliyey

daajis.com:- Musharaxa madaxtinimada ee xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa raalligelin ka bixiyay hadal anshax xumo ah oo uu ka sheegay dumarka, kaddib markii ay soo baxday cajalad muuqaal ah oo laga duubay Waqti hore.


Muqaalkaasi ayaa laga dhex maqlayay Trump oo ku faanaya raadinta iyo isku dayga in uu la galmooda dumarka, waxa uuna intaa ku daray in qofka caanka ah uu wax kastaa samayn karo.

Siyaasiin caan ah oo ka tirsan xisbigiisa Jamhuuriga ayaa hadalkaasi aad u cambaareeyay, waxaana siyaasiintaasi ka mid ah afhayeenka aqalka wakiilada Paul Ryan, oo hadalkaasi ku tilmaamay mid laga caroodo, Sidoo kalana  arrintan waxay jahawareer ku tahay musharaxnimada Trump.

Trump oo raalligelin bixinayay ayaa ballan qaaday in uu noqon doono nin wanaagsan, balse waxa uu ku eedeeyay madaxweynihii hore ee mareykanka Bill Clinton oo ah seyga Hillary Clinton oo uu hadda loolan kala dhexeeyo in uu aflagaadeeyay dumarka, iyo in Hillary ay ceebeysay haweenkii uu dhibaateeyay ninkeeda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada