daajis.com:- Fannaanka caanka ah ee Axmed Rooble Cali “Dayax” oo ka mid ah fannaaniintii hore oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay mid ka mid ah heesahiisa ay bililiqeysteen fannaaniinta jiilka danbe, isagoo sheegay in uu aad ugu xun yahay isbadalka fanka Soomaaliyeed ku yimid iyo in heesahiisa qaar ka mid ah ay sheegtaan fannaaniin dhalinyaro ah, qaarna sidii loogu talagalay heesta ay macno dileen.
Axmed Rooble Cali Dayax ayaa sheegay in uusan ka xumeyn in heesahiisa fanniin kale qaadaan, laakiin xurmada ay ku jirto in heesta la muujiyo abwaanka miraha sameeyay iyo qofka laxanka iyo muusika saaray, ciddii doontana ay ku luuqeyso. wuxuuna tusaale usoo qaatay heesta Xurmo, oo uu ku luuqeeyay xili hore, miraha abwaanka sameeyayna uu ahaa Maxamed Sh. GI, fannaaniinta qaarna ay ku sheegeen in miraha uu isla isaga sameeyay.
Heesta Xurmo waxaa horay u bililiqeystay fannaaniin ay ka mid yihiin Diini Cagoos, Maxamed Alta iyo fannaaniin kale oo sidii orijinaalka heesta wax ka badalay.
Erayada Heesta Xurmo Waxaa Sameeyay Maxamed Sh. Cabdi “GI”, Laxanka, muusiga iyo codkana waxaa isku darsaday Axmed Rooble Cali “Dayax”.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:08 and have
