Daawo:- Hillary CLINTON oo ka hadashay weerar iyo Qarax Soomaalida Lala damacsanaa

Daawo:- Hillary CLINTON oo ka hadashay weerar iyo Qarax Soomaalida Lala damacsanaa

daajis.com:- Musharaxa madaxtinimada Mareykanka ee xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton ayaa war kasoo saartay xariga saddex nin oo ka tirsan koox neceb dadka muslimiinta oo qorsheynayey qaraxyo ka dhan ah Soomaali degan gobolka Kansas ee Mareykanka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Warsaxaafadeed kasoo baxay Hillary ayey ku sheegtay in ku bogaadineyso Booliiska ka war­helka iyo ka hortagga shirqoolka kooxdan ee ahaa inay fuliyaan weerar ka dhan ah muslimiinta Mareykanka.

“Shirqoolkaas oo la doonayey in afar qarax baabuur lala beegsado dhisme ay ku nool yihiin boqol nin, haween iyo caruur Soomaali ah, waa aflgaado ka dhan ah dadka Mareykanka oo idil” ayay Hillary ku tiri warsaxaafadeedkeeda.

Waxay ugu baaqday dadka Mareykanka oo idil inay u istaagaan la dagaalanka argagixisada iyo iska diidka naceybka iyo hadallada kala qeybinta ah” ayay tiri Clinton.

Clinton ayaa sheegtay inay tahay in dadka Mareykanka oo idil ay ku farxaan in FBI­da ay ka hortageen shirqoolkan, waxayna sheegtay in haddii ay madaxweyne noqoto ay hay’adaha ammaanka kala shaqeyn doonto ka hortagga aragagixisada gudaha iyo dibedda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada