Sawiro: Taliyaha Ciidamada AMISOM oo gaaray magaalada Jowhar

Sawiro: Taliyaha Ciidamada AMISOM oo gaaray magaalada Jowhar

daajis.com:- Waxaa maanta magaalada Jowhar ee xaruunta Gobolka Shabeelaha Dhexe gaaray, taliyaha ciidamada AMISOM Jeneral Cusmaan Nuur Subagle.

Booqashada Jen. Subagle ayaa salka ku haysa u kuu gelida xaalada amaan Goobaha ay ka dhacayso doorashada Xildhibaanada labada aqal oo lagu wado ineey Jowhar ka dhacdo.

Taliyaha Ciidamada AMISOM, ayaa markii uu gaaray Jowhar, waxa uu kullamo la qaatay Wasiirka arrimaha gudaha, Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle, saraakiil katirsan IGAD iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.


Wararka qaar ayaa sheegaya in laga wada hadlay sidii Ciidamo AMISOM loo geyn lahaa xarunta uu ka socdo shirka maamul u sameynta labada gobol, si ay u sugaan ammaanka hoolka shirarka ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle.
Labo maalin ka hor ayay aheyd markii Ciidamo hubeysan oo ku heyb ah Musharaxa Madaxweyne kuxigeenka Cali Xasan Taakow ay la wareegeen xarunta shirka uu ka socdo, halkaasoo ay degan yihiin ergadii ansixisay dastuurka iyo Xildhibaanadii dhowaan la soo xulay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada