DAAWO:- Sidee ayey u dhacday Doodii Labaad ee TRUMP iyo Clinton iyo Waraysi VOA ay kusoo koobtay Nuxurka

DAAWO:- Sidee ayey u dhacday Doodii Labaad ee TRUMP iyo Clinton iyo Waraysi VOA ay kusoo koobtay Nuxurka

daajis.com:- Intii lagu guda jiray dooddii labaad ee madaxweyne oo ay la yeelatay Donald Trump, ayaa Hillary Clinton waxa ay sheegtay in marnaba ciidamo dhulka ka dagaalama aysan u diri doonin dalka Syria, taasi oo ay sheegtay inay tahay xeelad aan wanaagsaneyn.

Waxa ay xaaladda magaalada Aleppo ku sheegtay mid musiibo ah, islamarkaana Russia ay go’aan ku gaartay inay burburiso, si ay xukunka ugu sii hayso Bashar Al-Assad.

Trump ayaa waxa uu sheegay in ninka uu u doortay inuu madaxweyne ku xigeen u noqdo ee Mike Pence ku raacsaneyn in la duqeeyo bartilmaameedyada dowladda Syria., Wuxuuna  dhinaca kale cudur daar ka bixiyey hadallo uu ku aflgaadeeyey haweenka oo laga maqlay cajalad jimcihii la baahiyey, waxaana uu sheegay inuu dareemayo ceeb, Sidoo Kale wuxuu la yaab leh uga hadlay arimaha Islaamka.


Clinton ayaa sheegtay in musharaxiintii hore ee Jamhuuriga laga yaabay inaysan ku raacsaneyn siyaasadooda, in markan ay tahay markii ugu horreysay ee ay su’aal ka keento ku haboonaanshaha musharax ee ah inuu dalka hogaamiyo, waxayna sheegtay in Trump uusan lahayn degenaan uu dalka ku maamulo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada