daajis.com:- Dowladda dalka Itoobiya ayaa maanta ku dhawaaqday Lix bilood oo xaalad degdeg ah, ka dib markii dalkaasi uu hareeyeen banaanbaxyo rabshado wata oo xukuumadda looga soo hor jeedo, kuwaasi oo ruxay gobolka dalkaas ugu weyn ee Oromiya.
Intii ay bilaawdeen Banaanbaxyadan rabshadaha wata ayaa waxaa dhintay dad ugu yaraan gaaraya ilaa 500 oo qof, laga soo bilaabo markii banaanbaxyadu dalkaasi ka qarxeen billowgii bishii November-tii sanadkii hore.
Dhawaan ayaa waxaa waddanka soo maray isku dhacyo todobaad socday, kuwaasoo u dhaxeeyey booliska iyo dad mudaaharaadayey, ka dib markii 55 qof ay ku dhinteen isbuurasho dhacday intii ay socotay xaflad-dhaqameed ay dadka Oromadu lahaayeen.
Ciidanka booliska Itoobiya ayaa lagu eedeeyey inay awood xad-dhaaf ah adeegsadeen, iyadoo dadkii banaanbaxayey ay ku eedeeyey ciidanka inay iyagu sababeen dhimashada, waxayna banaanbaxayaasha bartilmaameedsadeen shirkadaha shisheeye iyo dhismayaasha iyo gaadiidka xukuumadda intii ay banaanbaxyadu socdeen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 02:30 and have
