daajis.com:- Waxaa maanta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Kulan ku yeeshay Odayaasha Dhaqanka iyo Culimada diinta ee kasoo Jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa waxay ka hadleen dagaalada kasoo Cusboonaaday magaalada Gaalkacyo.
Hadaba Waxgaradka Labada dhinac ayaa isla Gartay Qodobo dhowr ah oo lagu xalinayo dagaalka Maalintii 3 aad ka socda Magaalada Gaalkacyo, waxana ka mid ah Qodobada La isla gaaray, Xabbad Joojin Rasmi ah, Ciidanka in la kala qaado iyo Wada hadal rasmi ah iyo Nabadeyn.
Xaalada Magaalada Gaalkacyo ayaa hadda yara degan, iyadoo mararka qaar laga maqlayo Rasaas goos goos ah oo ay labada dhinac isku ridayaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 02:15 and have
