Ruushka oo codka Veto ku diiday qaraarka nabadda ee Suuriya

Ruushka oo codka Veto ku diiday qaraarka nabadda ee Suuriya

daajis.com:- Dowladda Ruushka ayaa codka diidmada qayaxan ee loo yaqaan “Veto” ku diiday qaraarka Qaramada Midoobey ee lagu dalbanayo in la joojiyo duqeynta magaalada  Xalab ee dalkaasi Suuriya.

Go’aanka Ruushka ayaa daba socda qabyo-qoraal uu Faransiiska u gudbiyay Golaha Amaanka.

Qabya-qoraalka ayaa waxa uu dhigayaa in si deg-deg ah loo joojiyo duqeynta, sidoo kale Xalab laga dhigo meel aysan diyaaradaha militariga ku dul duuli karin.

Xubnaha joogtada ee Golaha Amniga, 11 kamid ah waxay taageereen go’aanka. Shiinaha iyo dal kale ayaa ka aamusay.
Waa markii shanaad oo Ruushka uu diido qaraar Golaha Amniga uu ku doonayo in lagu xalliyo colaadda shanta sano qaadatay ee Suuriya ka socota.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada