Soomaali ku Banaanbaxday Magaalada St-Cloud ee Dalka Maraykanka (VIDEO)

Soomaali ku Banaanbaxday Magaalada St-Cloud ee Dalka Maraykanka (VIDEO)

daajis.com:- Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada St-Cloud ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa ka banaanbaxay sida ay uga soo horjeedaan weerarkii uu gaystay wiil Soomaali ah oo ku noolaa magaalada St-Cloud.

Boqolaal qof oo ay ku jiraan shacab Soomaaliyeed iyo kuwo Maraykan ah ayaa isugu soo baxay magaaladaasi, waxana ay halkaasi kadhigeen banaabax balaaran oo ay ku muujinaayeen midnimadooda.


Dadka Soomaaliyeed ee ka qaybgalay banaanbaxa Nabad raadinta ah ayaa muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin wada noolaashaha iyo sidoo kale midnimada dadka kunool magaaladaasi St-Cloud.

Bannaanbaxan ayaa ka dambeeyey kadib marki uu dhawaan wiil Soomaali ah oo magaaladaasi ku noolaa uu tooreey ku weeraray  dad ku sugnaa meel laga dukaameysto, Waxaana markii danbe goobtaasi lagu dilay wiilkii Soomaaliga ahaa ee weerarka Gaystay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada