daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaal Xoogan oo Koonfurta magaalada Gaalkacyo ku dhexmaraya Ciidamo ka tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana Jira Khasaare Dhimasho, dhaawac iyo Barakac ka dhashay dagaalka ka Bilowday magaalada Gaalkayo.
Dagaal Kooban ayaa Saaka Waaberigii hore dhex maray labada Dhinac, Iyadoo markaasi Kadib uu Qaboobey, Balse Wuxuuna Goor dhowayd dib u bilowday mar kale, waxaana magaalada laga maqlayaa Rasaasta iyo Hubka Culus ee Labada dhinac ee dagaalku udhexeeyo ay isku adeegsanayaan.
Dagaalka intiisa badan ayaa Hada waxaa siwayn looga Maqlayaa Xaafadda Garsoor Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegay inay Jiraan Dhimasho soo kala gaadhay labada dhinac oo aan Weli la Xaqiijin, Waxaana dagaalka Sababay Saldhig Galmudug ay ka dhiseyso Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, iyadoo ay tahay markii labaad oo Ciidamada Labada Maamul ay kuwada Dagaalamaan.
Ugu danbayntii maamulada Puntland iyo Galmudug wax war ah kama soo saarin dagaalka dib uga Bilowday magaalada Gaalkacyo, Wuxuuna kusoo beegmayaa Iyadoo Gobolka Mudug ay ka jirtay Xiisad ka dhalatay Duqayn Diyaaradaha Maraykanku ay ka gaysteen deegaanka Jeexdin ee Duleedka Gaalkacyo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at