Galmudug iyo Puntland oo siyaabo cajiib ah uga kala hadlay Dagaalka socda

Galmudug iyo Puntland oo siyaabo cajiib ah uga kala hadlay Dagaalka socda

daajis.com:- Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa si adag uga kala hadlay Dagaalka Saakay ilaa iyo iminka ka socda Duleedka Koonfur Galbeed ee Gaalkacyo.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid ay soo qaaden ciidamada Galmudug, isla markaana kuwa Puntland ay iska difaacen.

Cabdullaahi Quraanjecel oo ah Afhayeen Golaha Xukuumadda Puntland ayaa sheegay in ciidamada ay la dagaalamayaan ay yihiin maleeshiyaad si dhow ula shaqeeya Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in ciidamada ay Puntland la dagaalameyso ay horkacayaan Saraakiil katirsan Galmudug oo iyaguna Al-shabaab ah, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in Galmudug iyo Al-shabaaba ay kusoo duuleen Puntland, waxa uuna intaa ku daray in weerarkooda uu ahaa mid aargoosi ah oo loogu aargudaayay Saraakiishii looga laayay duqeyntii ka dhacday deegaanka Jeexdin ee gobalka Mudug.

Waxa uu intaa ku daray inay ahaayen kuwo doonaayay inay laayaan Shacabka Gobalka Mudug, gaar ahaana magaalada Gaalkacyo, balse ay ciidamada Difaaca Puntland ay si adag uga jawaabeen.

Ciidamo farabadan ayuu sheegay inay kaga laayen dagaalka waxa uuna tilmaamay Afhayeenka in Puntland ay difaacan doonto deegaanadeeda.

Sidoo kale, Xirsi Yuusuf Bare oo ah Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Dagaalka ay soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland, sidoo kalena ku eedeyay in dad shacab ah ay ku dileen Dagaalka.

Waxa uu sheegay Mr Xirsi Yuusuf Bare in Ciidamada Galmudug ay laayen ciidamo ka tirsan Puntland kuwaasi oo uu ku sheegay inay ahaayen kuwo xiriir la leh waxa uu ugu yeeray Argagixisada.
Xirsi Yuusuf Bare waxa uu intaa ku daray in Galmudug aysan ka waaban doonin la dagaalanka ciidamada Puntland, waxa uuna arrin muqadas ah ku sheegay difaaca dadka shacabka ah ee Galmudug.

Dhanka kale Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Maamulka Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed ayaa dhankiisa sheegay in Dagaalka uusan u dhaxeynin labada Maamul balse uu u dhaxeeyo dad shacab ah oo labada dhinac kala degan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada