DAAWO: Xeeladaha ay Isticmaalaan Hay’adaha NGO’ga ee ka Shaqeeya Dalka Soomaaliya

DAAWO: Xeeladaha ay Isticmaalaan Hay’adaha NGO’ga ee ka Shaqeeya Dalka Soomaaliya

daajis.com:- Hay’adaha NGO’yada sida WFP iyo hay’ahada kale ee yar-yar ayaa lagu eedaynayaa inay adeegsadaan xeelado ay ku hagardaaminayaan Wax soo saarka dalka Soomaaliya.

Hay’adan WFP ayaa marar badan waxaa lagu eedeeyay in raashin dhacay ay siinayso shacabka soomaaliyeed islamarkaana ay cuuryaamin ku heyso wax soo saarka beeralayda dalka.


WFP iyo hay’adaha kale ee maxaliga ah ayaa diiday in ay raashinka ka iibsadaan beeralayda Soomaalida ah, intaa kadibna waxa ay galay iyo masago tayadooda hoosayso ay ka keentaa dalalka dibadda, kadibna ay suuqa soo galiyaan galay iyo masago raqiis ah marka uu soo go’o dalaga Beeralayda Soomaaliyeed.

Hadaba ficilada ay ku kacaan Hay’adan NGO’yada ah ayaa ahayn wax cusub, oo waxaa marar badan ka dacwooday Beeralayda Soomaaliyeed in Hay’dahani ay yihiin kuwa kaliya ee dalka wax soo saarkiisa la dagay, waxana hay’adahani ay yihiin kuwo awood badan ku leh gudaha wadanka, mana aha kuwa dhagta jalaq u siiya hadalada ka soo baxa beeralayda iyo madaxda dowladda Soomaasliya.

Bishii Juun ee sanadkan ayay ahayd markii garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade, lagu qabtay raashin dhacay oo ay hay’adda WFP-da la sheegay inay u waday magaalada Garbahaaray ee Gobolka Gedo, waxaana markii danbe hor’isrtaagay raashinkani dhacay, madax ka tirsan dowladda Federaalka, waxaana markii danbe saxaafadda loo soo bandhigay raashinkii ay doonayeen in ay ku quudiyaan shacabka ku dhaqan gobolk Gedo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada