daajis.com:- garad-jamaGaraad Jaamac Garaad Ali Garaad Jaamac ayaa gaadhay magaalada xarunta ah ee dalka Soomaaliya ee Muqdisho ka dib markii uu ka duulay gegida Gaalkacyo ee dhanka maamulka Galmudug ee Soomaaliyeed.
Garaadka oo ay soo dhaweeyeen masuuliyiinta maamulka iyo madaxda dhaqanka ee Gaalkacyo ayaa u ambabaxay magaalada Muqdisho asagoo halkaas kula kulmi doona madaxda wakhtigoodu dhamaanayo iyo beesha Calaamka, si uu hawlaha beesha Dhulbahante iyo maamulka Khaatumo uga hadlo.
Garaadka oo ka tegay magaalada Saaxdheer ee Gobolka Sool ayaa lagu wadaa inuu dhawaan warbaahinta kula hadlo Muqdisho ka dib iyo ka horba kulamada muhiimka ah ee Muqdisho.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:00 and have

