MUUQAAL: Maamulka Hiiraan State oo Baladwayne oo Lagu dhisay & Dastuur Maanta Loo Meel-mariyey

MUUQAAL: Maamulka Hiiraan State oo Baladwayne oo Lagu dhisay & Dastuur Maanta Loo Meel-mariyey

daajis.com:- Waxaa goor-dhawayd Magaalada Beledweyne, lagu soo Gaba-gabeeyay kulan lagu soo bandhigay dastuurka uu yeelanayo Maamulka Hiiraan State oo dhawaan ay Duubabka-dhaqanka dhismihiisa uga dhawaaqeen magaalada Beledweyne.

Akharinta Dastuurka, kaddib ayaa ergada goobta ku sugnayd waxaa la weydiistay inay cod gacan-taag ah ku ansixiyaan , Waxaana Aqbashay 419 ka mid ah 423 ergo ah Goobtaas ku sugnayd saddex qof ayaa diiday halka qof kalena uu ka aamusay.

Dhanka kale, Waxaa goobta looga dhawaaqay inay Buula-burte tahay xarunta maamulkan uu ku shaqeyn doono, Waxaana tilmaam guud laga bixiyay nooca Calanka maamulkan uu yeelanayo oo la sheegay inuu ka koobnaanaya; Midabka Buluugga oo leh Xidigta Shanta Gees iyo Midabka Cadanka ah Soomaaliya.


Guddiga Qaban-qaabada dhismaha maamulka ayaa halkaa uga dhawaaqay in wixii hadda ka danbeeyay ansax yahay Dastuurka, wixii xilligaan ka dambeeyana la guda-galli doono dhismaha laamaha kale ee maamulka.

HALKAN KA DAAWO MAAMULKA HIRSHABEELE IYO SHIRKA JOWHAR

Ugu dmabeyn, Tallaabadan, ayaa kusoo beegmaysa xilli maalintii shalay degmada Jowhar lagu dhaariyay Xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe loo dhisayo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada