daajis.com:- Magaalada Buuhoodle waxaa maanta Kulan Balaadhan ku Qabtay Cuqaasha iyo Waxgaradka Deegaanka, Kuwaasi oo siwayn uga hor yimid Shir maamulka Puntland Qorshihiisa leeyahay, oo la doonayo in lagu qabto magaalada Buuhoodle.
Waxaa Taageero xoogan loogu muujiyey Xukuumada Khaatumo, sidoo kale waxaa lasoo jeediyey in talada looga danbeeyo maamulka oo ay gacantooda ku dhiseen dhamaan isimada iyo Cuqaasha beelaha Sool, Sanaag iyo Cayn, Waxaana sidoo kale maamulka Puntland looga digay Faragelinta ay ku hayso deegaanada Khaatumo.
Shirka ayaa waxaa Qorshihiisa lahaa Qaar kamid ah Isimada dhaqanka ee Fadhigoodu hada yahay magaalada Garoowe, Kadib Shir ay ku qabteen Deegaanka Higlada ee Gobolka Sool.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:18 and have
