Nin Safar Uga Yimid Soomaaliya oo Dowladda Kenya ay ku xukumay 10 Sano oo Xariga ah

Nin Safar Uga Yimid Soomaaliya oo Dowladda Kenya ay ku xukumay 10 Sano oo Xariga ah

daajis.com:- Dowladda dalka Kenya ayaa xukun ku riday muwaadin dalkeeda u dhashay oo lagu magacaabo Simon Karuga oo da’diisa lagu sheegay 32-jir, kaas oo lagu xukumay 10 sano oo Xabsi ah, kadib markii Maxkamadda ay ku eedeeysay in uu u safray gudaha dalka Soomaaliya.

Ninkan ayaa la qabtay 13-ka bishii September la soo dhaafay, waxaana gacanta ku dhigay dadka deegaanka ee dhinaca Soomaaliya, kuwaas oo markii danbe ku wareejiyay booliska Soomaaliya, iyagana ay dib ugu sii wareejiyeen Ciidanka Kenya ee kusugan Mandheera.


Ninkan qareenkiisa ayaa sheegay in Simon uusan u socon Soomaaliya ee uu doonayay inuu ka shaqeysto magaalada Mandhera, laakiin garsooraha Maxkamadda ayaa ku cadeeyay in ninkani 8-KM gudaha Somaliya laga soo qabtay.

Qareenkii u doodayay wiilkani ayaa sheegay in simon uu raadinayay guri raqiis oo uu ka kireysto magaalada Mandhera maadaama xadka dhanka Kenya ay guryuhu aad qaali u yihiin.

Dowlada Kenya ayaa ninkani ku eedaysay inuu doonayay inuu ku biiro ururka Al Shabaab, sheegtayna in qof kasta oo kenyan ah una safraya dalka Soomaaliya ee aan heysan dal ku gal saxan, uu noqonayo qof u socda in uu ku biiro Al-shabaab laguna xukumi doono 10 Sano oo xarig ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada