daajis.com:-Wararka ka imaanayo Degmeda Heliwaa gaar ahaan Isgoyska Ex-Control Balcad ayaa sheegaya, in labo ruux ay ku geeriyoodeen qarax miino oo ay halkaasi ku aasayeen, iyadoo la sheegayo in qaraxaasi uu ka badbaaday ruux kale oo saddexaad oo la socday ragaasi.
Dhalinyarada goobtaasi ku geeriyootay oo ka tirsan ururka Al Shabaab, ayaa xalay saacada markii ay aheyd 3:00 habeenimo waxa ay miino ku aasayeen wadada Bartankeeda si ay ugu dhibaateeyaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ee halkaasi marwalba soo mara, balse dhibaatadii ay aasayeen iyaga ay ku noqotay.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Xalane ayaa warbaahinta u sheegay in Labo ruux ay ku geeriyootay, midka saddexaadna uu qaraxaasi ka badbaaday.
Waxa kale ee uu sheegay afhayeenku sheegay iney baaritaan ku wadaan ragga qaraxaasi ku dhintay iyo halka ay ka yimaadeen si ay tixraac uga helaan dadka u soo dhiibay iyo halka laga soo qorsheeyey.
Isgoyska Ex-Control Balcad ee Degmada Heliwaa, ayaa dhowr mar waxaa qaraxyo Miino lagula eegtay Ciidamada ka tirsan kuwa nabad ilaalinta Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka oo iyaga badanaa wadadaasi isticmaala.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:30 and have

