daajis.com:- Hub badan oo ay keensatay dowladda Fedraalka ee Soomaaliya, oo ahaa hub ay Qaramada midoobay ka war qabtay ayaa la sheegayaa in si suuq madow ah hubka loogu kala iibsado caasimadda Muqdisho, sidana waxaa sheegay labo Diblomaasi oo reer galbeed ah.
Diblomaasiyiintan oo magacooda ka gaabsaday ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee Reuters in ganacsiga nuucan ah uu xadgudub ku yahay heshiis Saddex sano ka hor dowladda federaalka loo saxiixay kaas oo dowladda u ogolaanayay inay hub ku keensato.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qeyb kamid ah xayiraada iyo cunaqabateyntii dhinaca hubka ka qaaday dalka Soomaaliya sanadkii 2013-kii, si loo hubeeyo ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira xarakada Al-shabaab ee gacan saarka la leh ururka xagjiriinta ah ee Alqaacida.
Qaramada Midoobay ayaa dalka Soomaaliya saartay cunaqabateynta hubka wax yar uun kadib markii dalku uu galay dagaalo sokeeye.
Labadan diblomaasi ayaa sheegay in hubka ugu badan oo lagu kala iibsado suuqyada Muqdisho uu yahay mid dowladda Soomaaliya ay dalka keentay wixii ka danbeeyay sanadkii 2013-kii, taasina ay ka soo horjeedo heshiiskii ay la saxiixatay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 21:30 and have
