Wararkii Ugu Danbeeyey ee dagaalka Qadhaadh ee ka socda Mosul (Muuqaal)

Wararkii Ugu Danbeeyey ee dagaalka Qadhaadh ee ka socda Mosul (Muuqaal)

daajis.com:- Howlgalka ka xoreynta kooxda Daacish ee Magaalada Mosul oo in mudda ahba la wada sugayey ayaa hada ka bilowday nawaaxiga magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ciraq ee Mosul.


Dagaalka dib u qabsashada Mosul, ayaa waxaa ka qeybgalaya ciidamo ka kala socda Mareykanka, Dowlada Ciraq, xoogaga Kurdishka Ciraq iyo maleeshiyo beel ka kala socda Shiicada iyo Sunniyiinta Ciraq.

Afhayeen u hadlay waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka Capt. Jeff Davis ayaa Talaadadii u sheegay wariyaasha in dagaalka ay qeyb ka yihiin ilaa iyo 100 askari oo Mareykanka ka socda. Doorka ciidanka Mareykanka ayuu ku sheegay kaliyah in ay caawin doonaan 18-kun oo ka tirsan milatariga Ciraq iyo 10- kun oo ka mid ah xoogaga Kurdiyiinta Ciraq ee loo yaqaano Peshmarga.

Maleeshiyaadka Kurdishka ayaa ku siqaya tuulooyinka ay magaalad Mosul ka dagaan dadka kurdiyiinta, halka ciidamada Ciraq ay kusii socdaan Saldhiga Khayaara ee dhaca dhinaca galbeed iyo waliba dhinaca koofur galbeed ee magaalada.

Maleeshiyaad lagu qiyaasay 3 ilaa iyo 5 kun oo dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Dacish ayaa la sheegayaa in ku suganyihiin gudaha magaalada Mosul ee waqooyiga dalka Ciraq.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada