Dowladda Kenya oo War ka soo Saartay Weerarkii Lagu Qaaday Deegaanka Kuulbiyoow (Akhriso)

Dowladda Kenya oo War ka soo Saartay Weerarkii Lagu Qaaday Deegaanka Kuulbiyoow (Akhriso)

daajis.com:- Dowladda Kenya ayaa qoraal ay ka soo saartay Weerarkii saakay aroortii lagu qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin Degaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubada Hoose.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa lagu xusay in Weerarka uu ku bilaawday Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay, waxaana intaasi ay ku dareen in ciidamada Kenya ay iska caabiyeen weerarkii Al Shabaab.


Wasaarada ayaa shaacisay in Xubno ka tirsan dagaalyahanada Al Shabaab ee weerarka soo qaaday lagu Dilay Degaanka Kulbiyoow.
Warsaxaafadeedkan ayaa lagu beeniyay warka ka soo baxay ururka Al Shabaab, oo ku aadanaa in 57 Askari oo Kenyaan ah lagu Dilay Weerarkii lagu beegsaday Saldhiga Ciidamada Kenya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada