Tarsan “Haddii aan madaxweyne Noqdo GABRE kama shaqeynayo Soomaaliya”

Tarsan “Haddii aan madaxweyne Noqdo GABRE kama shaqeynayo Soomaaliya”

daajis.com:- Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay doorashada sanadkaan iyo arimo kale.

Isaga oo ka qeyb galayay barnaamij ka baxayay TV-ga Somali Cable, ayuu ka hadlay arimo ku saabsan shaqada uu Generaal Gabre ka waddo Soomaaliya, Wuxuuna  sheegay in Generaal Gabre uusan kasii shaqeyn doonin gudaha dalka Soomaaliya, haddii uu ku guuleystaa xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Balse wuxuu tilmaamay in Ethiopia ay tahay dal deris la ah Soomaaliya uuna la yeelan doono calaaqaad wanaagsan.

“Aan kala saarno Gabre iyo Ethiopia, haddii aan xilka qabtaa Generaal Gabre IGAD baan ku dacweynayaa, waxaana amrayaa in dhaqso dalka looga saaraa, laakiin Ethiopia waa dal deris aan nahay, Gabre dartiisna xiriirkeena looma xumeynayo”ayuu yiri Tarsan.

Tarsan, ayaa dhinaca kale sheegay inuu rajo weyn ka qabo inuu ku guuleysta xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Mar uu ka hadlayay doorashada sanadkaan iyo go’aankii gudiga doorashada ayuu sheegay inuu soo dhaweynayo waqtiga loo qabtay inay dhacdo doorashada madaxweynaha dalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada