Kooxda Daacish oo dad kala degtay gaadhi kusii jeeday magaalada Bosaso

Kooxda Daacish oo dad kala degtay gaadhi kusii jeeday magaalada Bosaso

daajis.com:- Wararka aan ka heleyno gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamo la aamisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish ay dad rakaab ah kala dageen gaari ku sii jeeday magaalada Boosaaso.

Ciidamada oo lagu qiyaasay ilaa 50 askari oo afka u duubnaa ayaa dadkaan ku qabsaday deegaan ku dhow magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana la sheegay in ku dhawaad sagaal ruux ay gaariga kala dageen.

Shan kamid ah dadka gaariga lagala dagay ayaa kamid ahaa askarta maamulka Puntland, waxayna ka baxsadeen gacanta kooxda , iyaga oo tagay degmada Qandala ee gobolka Bari.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda nolol iyo geeri lagu la’ yahay ilaa afar ruux oo kamid ah dadkii gaariga lagala dagay.

Waxaa socdo dhaqdhaqaaq la doonayo in dadkaasi lagu soo daayo, oo ay wadaan ciidamo qaab beeleed u abaabulan iyo ciidamada maamulka Puntland.
Waa markii ugu horeysay oo koox Daacish ka tirsan kuna sugan gudaha Soomaaliya ay dad ku afduubtaan deegaanada Puntland.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada