daajis.com:- Dowlada dalka Kenya ayaa weli soo daabulaysa maydadka ciidamadii dalka Kenya ee lagu laayay weerarkii saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyoow.
Dowlada dalka Kenya ayaa hadda ka hor shaacisay in sagaal askari oo kaliya ay kaga dhinteen dagaalkii ka dhacay deegaanka Kulbiyoow, hase ahaatee qaar kamid ah saxaafada dalka Kenya ayaa tabineya in dhimashadu ay gaareyso ilaa 68 askari, Kooxda AlShabaab oo weerarkaas qaaday jimcihii lasoo dhaafay ayaa dhankeeda sheegatay in dileen 70 kamid ah ciidamada dalka Kenya ee goobtaasi ku sugnaa.
Mid kamid ah Website-yada ugu waa weyn Dalkaasi Kenya ayaa soo daabacay sawirada qaar kamid ah askartii Kenya looga dilay dagaalkii ka dhacay Kulbiyow kuwaasi oo meydkooda loo soo qaaday Dalka Kenya si loogu wareejiyo Familkooda.
Sidoo kale Askarta la dilay ayaa waxaa kamid ahaa Francis Kombo oo ka soo jeeda gobolka xeebta Kenya oo ay muslimiinta u badan yihiin, halka Kassim Darga oo isna kasoo jeeda deegaanka Madogo, ee deegaanka wabida Tana River.
Dowladda Kenya ayaan weli ka hadlin tirada dhabta ah ee ciidamadii ku geeriyootay dagaalka Al Shabaab iyo ciidamada dalka Kenta ee deegaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubadda Hoose.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at