daajis.com:- Ururka Al Shabaab ayaa maanta soo bandjhigay sawiradii u horeeyay ee dagaakii ka dhacay Saldhigga Ciidamada Kenya ku lahaayeen Deegaanka Kulbiyoow ee gobolka Jubada Hoose.
Weerarkan ay Shabaab ku qaadeen Deegaanka Kulbiyoow ayaa waxa ay ku dileen sida ay sheegeen 67-askari oo ka tirsanaa Ciidanka dalka Kenya, waxaana weerarkan fuliyay Koox katirsan Shabaabka oo loo yaqaan Katiibada Saalix Nabhaan.
Al Shabaab ayaa Warbaahinta afkooda ku hadasha ku baahisay Sawiradan iyo sida uu u dhacay Weerarkii Kulbiyoow iyo sidoo kale qasaaraha ka soo gaaray weerarkaasi Ciidanka Milatariga Kenya ee xeradaasi ku sugnaa.
Weerarkan ayaa la sheegayaa inuu ku bilowday mid is qarxin ahaa, waxaana xiliga kadib weerar toos ah xerada Ciidanka Milatariga Kenya ku qaaday dagaalyahano badan oo katirsan ururka Al Shabaab oo si xogan u hubeesnaa.
Al Shabaab ayaa sheegatay inay cagta marisay wixii ciidan ahaa ee ku sugnaa saldhigaasi, iyagoo sheegay inay ka dhigeen ku dhintay iyo kuwo baxsaday.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at