Moussa Faki Mahamad oo ku Guulaystay Xilka Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika (VIDEO)

Moussa Faki Mahamad oo ku Guulaystay Xilka Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika (VIDEO)

daajis.com:- Doorashadii xilka gudoomiyaha Midowga Afrika ee ka socday caasimadda dalka Itoobiya ee Magaalada Addis Abba ayaa waxaa maanta lagu doortay Gudoomiyaha cusub ee midowga Afrika kaasi oo badeli doona Gudoomiyaha hadda xilka heysa oo ka soo jeedda dalka Koonfur Afrika.

Codeyn ay maanta sameeyeen xubnaha guddiga Midowga Afrika ayaa waxaa si lama filaan ah ugu soo baxay wasiirka arimaha dibada dalka Chad.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Chad Moussa Faki Mahamad ayaa noqday hogaamiye silama filaan ah ugu guuleystay xilkaasi, waxaana uu ka guulestay Amino Maxamed wasiirada arimaha dibada Kenya.

Amino Maxamed oo ka soo jeeda dalka Kenya ayaa lagu waday in ay ku guuleysato Gudoomiyaha Midowga Afrika, waxaana madaxda ugu sareysa ee dalka Kenya ay safaro badan ku bixiyeen sidii ay Amino ugu guuleysan lahayd xilkani.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada