daajis.com:- Musharax Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxda Maamul goboleedyada in aysan dhex dhexaad ka aheyn doorashada Madaxweynaha ee maalmaha soo socda ka dhaceysa magaalada Muqdisho.
Farmaajo ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada qaarkood ay ka shaqeynayaan ololaha dib u doorashada Xasan Sheekh. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka inay si hufan uga soo dhalalaan waajibadka saaran iyo dhaarta ay u mareen dalkooda iyo dadkooda.
Hadalka Farmaajo ayaa ku soo beegmaya, xilli xalay munaasabad lagu taageerayay Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 100 Xildhibaan ay ka soo qeyb galeen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at