Al-Shabaab oo Maanta Weerar ku Qabsatay Deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug

Al-Shabaab oo Maanta Weerar ku Qabsatay Deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug

daajis.com:- Dagaal kooban oo maanta ka dhacay deegaanka Camaara oo dhawaan ay tageen ciidamo isugu jira kuwa Galmudug iyo kuwa Milatariga Dowlada qeybta Danab ayaa maanta waxaa la wareegay deegaankaasi dagaalyahanno taabacsan ururka Al-Shabaab.

Dagaalyahanada maanta la wareegay deegaanka Camaara ayaa la sheegay inay wateen Gaadiid dagaal iyo hub farabadan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Deegaanka ay weli gacanta ku hayaan Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxa ayna tilmaameen in Maleeshiyada ay dab qabadsiiyeen goobo ganacsi oo maqaayado ahaa, kuwaasi oo Shabaabka ay sheegeen inay fariisin u ahaayeen ciidamadii wada socday ee toddobaadkii hore gaaray deegaanka Camaara.

Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale la sheegay inay la wareegeen xarunta maamulka iyo saldhig ciiddamada galmudug ay kula haayeen degeenkaas.
Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa iminka ku sugan deegaano banaanka uga baxsan Deegaanka Camaara.

Tuulada Camaara ayaa magaalada Cadaado u jirta 100KM. Illaa iyo hadda majiraan wax war ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug oo arrintan ku aadan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada