LA YAAB: Madaxweyne caan ah oo xaaskiisa u magacaabay Madaxweyne ku-xigeen (Daawo Sawirro)

LA YAAB: Madaxweyne caan ah oo xaaskiisa u magacaabay Madaxweyne ku-xigeen (Daawo Sawirro)

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Azerbajaan, Ilham Caliyef ayaa maanta Xaaskiisa Mehriban Aliyeva u magacaabay Madaxweyne-ku-xigeenkiisa.

Arintan ayaa noqotay tallaabo uu ku xoojinayo Awoodda Qoyskiisa ku leeyihiin Talada dalkaasi hodanka ku ah Shidaalka.

Magacaabistan oo maanta lagu dhawaaqay ayaa timid, ka dib markii Isbedel lagu sameeyey Dastuurka dalkaasi sannadkii hore.

Madaxweyne-ku-xigeenka la magacaabay ayaa noqonaysa qofka labaad ee ugu sareeya talada dalkaasi.
Mehriban Aliyeva oo 52-jir ah waxay tan iyo sannadkii 2005-tii ahayd Xildhibaan ka tirsan Xisbiga maamula dalkaasi ee Yeni Azerbejan Party.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada