MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada uga Warbixiyey R/wasaaraha Cusub iyo Wuxuu ku doortay ?

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada uga Warbixiyey R/wasaaraha Cusub iyo Wuxuu ku doortay ?

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay Raysal wasaaraha Cusub Xasan Cali Khayre inuu Yahay Nin u qalma xilkan aqoon ahaan iyo khibrad ahaan , waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan.


”Waxaan go’aansaday in xilka R/Wasaaraha Soomaaliya aan u magacaabo Xasan Cali Kheyre oo ah nin aqoon ahaan iyo khibrad ahaan kasoo bixi kara, waxaan u arkay in uu yahay nin aan wada shaqeyn karno, maadaama sanadihii ugu dambeeyay dowladii timaada uu badnaa is qabsigeeda Madaxweyne kastana uu soo magacaabayay R/Wasaarayaal badan, waxaan go’aan ku qaatay in aan Magacaabo Xasan Cali Kheyre anoo og in aan wada shaqeyn doono uuna yahay shakhsi nadiif ah oon isku fikir ku shaqeyn karno” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu soo xushay ay kawada shaqeyn doonaan arimo badan oo muhiim sida cadaalada , iyo sidii wax loogu qaban lahaa shacabka Soomaaliyeed ee matalaan.

”Xildshibaanada wakiilka ka ah shacabka Soomaaliyeed ayaa si cadaalad ah ii dortay , aniga waxaa ii muuqda in aan ku shaqeeyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed una magacabao R/Wasaaraha shakhsi aan oran karo hal mabda’ ayaana ku wada shaqeyn kartaan oo waxaan u shaqeyn karnaa shacabka Soomaaliyed , Insha Allah waxaan rajeenayaa in ilaha howshiisa u fududeeyo R/Wasaaraha cusub.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada