Farmaajo oo magacaabay R/wasaaraha Xukuumada cusub, Maxaad ka taqaan iyo Raysal wasaraha oo Hadlay (Video)

Farmaajo oo magacaabay R/wasaaraha Xukuumada cusub, Maxaad ka taqaan iyo Raysal wasaraha oo Hadlay (Video)

daajis.com:- Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa goordhow ku dhawaaqay Ra’isul wasaaraha cusub ee Xukuumada Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilka Ra’isul wasaarenimo u magacaabay nin lagu magacaabo Xasan Cali Kheyre.
Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka hor inta uusan u ambabixin Dalka Sacuudi Arabia.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saakay u duulay wadanka Sacuudiga, waxaana Garoonka Diyaaradaha ku sii sagootiyay xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka.

Ra’isul wasaaraha cusub waxaa uu horey Madax uga ahaa Golaha Qaxootiga Norway ee Norwegian Refugee Council (N.R.C), waxa kale oo uu ahaa Wakiilka Shirkadda Shidaalka ee Som Oil and Gas ee Bariga Afrika.


Xassan Cali Khayre waa Nin dhalinyara ah waxa uu ku noolaa dalka Norway, waxa uuna Dhawaanahaan ku noolaa dalka Ingiriiska, isaga oo madax ka ahaa Hey’ada Soma Oil and Gas, Wuxuuna   kasoo jeeda Beesha Murursade gaar ahaan Foor Culus Habar Ceyno.

Magacaabista Ra’isulwasaaraha ayaa imaneysa maalin kadib marki madaxweyne Maxamec Cabdullaahi Farmaajo loo caleema saaray xilka madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada