Caafimaadka Maskaxeed ee Trump oo shaki laga muujiyey & khubaro sheegtay inuusan xilka sii heyn karin

Caafimaadka Maskaxeed ee Trump oo shaki laga muujiyey & khubaro sheegtay inuusan xilka sii heyn karin

daajis.com:- Khubaro Maraykan ah oo ku taqasusay cilmi nafsiga waxay shaki muujiyeen Caafimaadka maskaxeed ee madaxweynaha Mareykanka Trump.

Dooda caafimaadka maskaxeed ee Trump waxay ka dhalatay warqad furan oo tobannaan qof ay u direen khubarada.

Dhaqaatiirta waxay sheegayaan in xanaaqa iyo deganaan la’aanta ay Trump ka dhigayaan mid aanan sii hayn karin xafiiska.

Hadalkaasi wuxuu u muuqdaa mid jebinaya sharciga muddada u yaallay khubarada caafimaadka maskaxda.

Doodda la xiriira caafimaadka Trump maaha mid cusub, waxayna soo billaabatay ka hor doorashadii bishii November ee uu ku guuleystay.

Balse, inta badan dhaqaatiirta caafimaadka maskaxda waxay diidanaayeen inay si waadax ah uga hadlaan.

Waxay taasi ka dhalatay sharci muddo soo jiray oo u yaalla ururka dhaqaatiirta Cilmu-nafsiga ee Mareykanka APA, kaas oo la billaabay 1973.

Sharcigaas wuxuu dhaqaatiirta ka mamnuucayaa inay shacabka u bandhigaan wax ku saabsan shaqsi aysan la kulmin.

Balse hadda, qaar ka mid ah khubarada ayaa si shaacsan u hadlay, waxayna qaar ka mid ah saxiixeen dalab ah in Trump xafiiska laga saaro.

Waxay soo jeedinayaan in Trump uu qabo xanuunka “Isla weynida shaqsiyadeed (NPD)”, iyagoo xusay in dadka qabo xanuunka noocaas ah lagu garto calaamada soo socda:
1-Islaweyni, naxariisdaro, iyo inay raadiyaan in la jeclaado

2-Waxay aaminsan yihiin inay dadka ka sareeyaan ama ay u qalmaan in si gaar ah loola dhaqmo.

3-Waxay raadiyaan in si weyn loo xushmeeyo loona dhageysto

4-Waxay dhibaatoodaan marka la eedeeyo ama ay guuldareystaan

5-Warqad loo diray wargeyska The New York Times ayaa 35 ka mid ah dhaqaatiirta maskaxda waxay ka digeen xanaaqa dareenka ah iyo xasilloonidarada shaqsiga inay ka muuqdaan hadallada Trump.
Waxay tilmaameen in taasi ay ka dhigeyso inuusan u qalmin inuu si nabad ah ugu adeego shacabka Mareykanka.

Waxay sheegeen inay aamusnaanta ku qasabtay sharciga Goldwater, laakiin hadda la joogo xilligii la hadli lahaa.

“Aamusnaanta waxay sababtay inay guuldareysato walaacii ay muujiyeen warbaahinta iyo xubnihii Congress-ka. Haddase aad loogu baahan yahay hadal”.

Qoraalka warqadda waxaa lagu yiri: “Khudbadaha Mr Trump iyo ficilladiisa waxay muujinayaan inuusan dulqaadan karin uusanna ogoleyn in aragtidiisa laga soo horjeesto. Fal-celintiisa waa mid caro ku dheehan. Ereyada uu adeegsado iyo dhaqankiisa waxay soo jeedinayaan inuu naxariis laawe yahay”.

Shacabka Maraykanka ayaa si weyn ula yaaban madaxweynaha Maraykanka oo marka uu hadlayo xitaa afka ka weerara heyadaha ugu sareeya dowlada Maraykanka sida Maxkamadaha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada