Daawo Video: Sacuudiga oo Taageeray xayiraadda socdaalka ee Donald Trump

Daawo Video: Sacuudiga oo Taageeray xayiraadda socdaalka ee Donald Trump

daajis.com:- Wasiirka shidaalka ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in boqortooyadu ay si dhaw ula shaqayn doonto maamulka cusub ee Maraykanka, wuxuunaTrump ku amaanay taageerada uu u muujiyay isticmaalka gaaska dabiiciga ah ee dhulka laga soo saaro.

Khalid al-Falih ayaa BBC-da u sheegay in aysan xaqiiqo ku salaysnayn siyaasaddii Barack Obama ee ahayd in la isu dheeli tiro isticmaalka shidaalka dhulka laga soo saaro iyo tamarta la cusboonaysiin karo ee laga dhaliyo waxyaabo ay ka mid yihiin cadceedda iyo hawada.

Obama ayaa horay u sheegay in tamarta la cusboonaysiin karo ay sare u qaadi doonto dhaqaalaha Maraykanka iyo kan Sacudigaba.


Khalid ayaa dhanka kalana difaacay xayiraadii socdaalka ee Donald Trump isaga oo sheegay in dal walba uu xaq u leeyahay ciribtirka halista dadkiisa haysata.
Wasiirku wuxuu sheegay in uu ku kalsoon yahay in labada dal oo wada jira ay ka hortagi karaan caqabadaha gobolka iyo kuwa caalamka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada