daajis.com:- Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa Neil Gorsuch u magacaabay inuu xubin ka noqdo xaakimiinta Maxkamadda Sare ee dalka Maraykanka.
Neil Gorsuch oo 49 jir ah ayaa garsoore ka ah maxkamada racfaanka oo heer federaal ah taasoo ku taalla magaalada Denver ee gobolka Colorado, isagoo haddii uu aqalka Senate-ka u ansixiyo xilkan buuxin doona booskii uu banneeyay xaakim Antonin Scalia oo sanadkii hore geeriyooday.
Xubnaha Dimuqraadiga ee aqalka Senate-ka ayaa waxay wacad ku mareen inay horjoogsanayaan musharrax kasta oo muxaafidnimadu ku dheertahay.
Gorsuch ayaa u baahan in uu helo codka 64 senator si aqlabiyad loogu ansixiyo. Madaxweyne Trump ayaa ugu baaqay labada dhinac ee golahaasi in ay taageeraan xaakimka cusub.
Waxa uu noqonayaa xaakimkii ugu da’da yaraa ee muddo 25 sano ah loo xusho in uu qeyb ka noqdo maxkamadda ugu saraysa ee dalka Maraykanka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at