Dabaaldegii Maanta loo Qabtay Sanad Guuradii 47-aad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed (VIDEO)

Dabaaldegii Maanta loo Qabtay Sanad Guuradii 47-aad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed (VIDEO)

daajis.com:- Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya lagu qabtay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 47-aad ee ka soo wareegatay markii la aas aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Baarlamaanada Sare iyo kan Hoose iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida.

Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa faray Taliyaha Asluubta Soomaaliyeed, sida ay muhiim u tahay meel marsiinta qodobada Dastuuriga ee qeexaya xuquuqda Muwaadiniinta ku jira xabsiyada Dowladda in la dhowro.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada Asluubta ay ku sugan yihiin daruufo, marka loo eego ilaalinta xabsiyada ay gacanta ku hayaan iyo Miisaaniyad weyn oo Dowladdu aysan ugu talagelin Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) Taliyaha Ciidamada Asluubta ayaa soo hadal qaaday xaalada xabsiga dhexe ee Muqdisho, isagoo xusay dhismahan in uu yahay mid mar hore la dhisay uuna u baahanyahay il ku heyn gooni ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada