Dibed-bax Ballaaran oo Lagu Wado inuu Maanta ka Dhaco Magaalada Muqdisho

Dibed-bax Ballaaran oo Lagu Wado inuu Maanta ka Dhaco Magaalada Muqdisho

daajis.com:- Waxaa maanta lagu wadaa in magaggalada Muqdisho ay ka dhacdo dibed-bax ballaaran oo lagu taageerayo magacaabista ra’isul wasaaraha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Cali Kheyre.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa lasheegayaa inuu hormuud ka yahay oo uu soo qaban-qabiyey banaanbaxan maanta ka dhici doona barxadda taalada daljirka Dahsoon ee magaalada muqdisho.

Banaanbaxani ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Ururada bulshada, haweenka iyo dadweyne ka kala yimid 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.
Magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxaa soo dhaweeyay Madaxda maamul goboleedyada dalka, aqoonyahanada, waxgaradka, siyasaiyiinta iyo Qeybaha kaladuwan ee bulshada, iyagoo balan-qaaday iney waajibaadkiisa shaqo gacan ku siin doonaan.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada