Somaliland oo saxaafadeeda u aragta inay halis ku yihiin heshiiska Imaaraadka iyo caburin ay bilowday

Somaliland oo saxaafadeeda u aragta inay halis ku yihiin heshiiska Imaaraadka iyo caburin ay bilowday

daajis.com:- Maamulka Somaliland ayaa maalmahaan culeys xagga gudbinta fikradda iyo caburinba saartay saxaafadda madaxa bannaan ee ka howlgala gudaha Somaliland oo xukuumadda u aragto inay halis ku yihiin saxaafadda heshiiska Imaaraadka ee lagu siiyay dekadda Berbera oo saldhig milateri u adeegsan doonto mudo 30 sano ah.

Saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland ayaa u istaagtay gudbinta fikraddaha dadweyne ee ku aadan sida ay ugu soo horjeedaan heshiiska Xukuumadda Somaliland iyo dowladda Imaaraadka Carabta, kaasoo dhaliyay kacdoon dadweyne.

Ilaa labo saxafi oo ayaa xabsiga ugu jira si xaq-daro ah, iyadoo aysan jirin maxkamadd go’aamisay xarigooda iyo sababta ay ku xiran yihiin. Agaasimaha Telefishinka Star ahna qoraa in mudo ah ku guda jiray howlaha saxaafadda Maxamed Baashi Xaaji Xasan ayaa xalay xabsiga la dhigay.

Maxamed Baasha Xaaji Xasan ayaa baraha bulshada ku xiriirto cod dheer ku gudbiyay fikradaha iyo aragtida dadweynaha ay ka qabaan heshiiska Imaaraadka lagu siiyay dekadda Berbera, oo ansixintiisa buuq iyo dagaal golayaasha Somaliland ka dhex dhaliyay.

Wasiirka warfaafinta  Somaliland Cismaan C/llaahi Saxardiid ayaa ku eedeeyay Maxamed Baashi Xaaji Xasan kicin dadweyne, qalqal gelin amni iyo wax ka baxsan mihnada saxaafadda, waxayna sheegeen in uu faraha la galay howl aysan aheyn shaqadiisa.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ka hadlay xariga Wariye C/maalik Muuse Coldoon, isagoo sheegay sababta loo xiray ay tahay wax uu ku sheegay qaran dumis, jiritaanka Somaliland oo wax u dhimay iyo baahinta warar aan jirin oo kicin dadweyne ah.
Wasiir Cismaan C/llaahi Saxardiid ayaa sheegay in aan loo dul qaadan doonin in cidkasta oo ka hortimaada jiritaanka Somaliland iyo baahinta wararka kicinaya shacabka, isagoo tilmaamay in caddaalada la hor keeni doono.

Dhanka kale, ciidamada booliska ayaa albaabada iskugu dhuftay xarunta wargeyska Haatuf oo xukuumadda Somaliland u aragtay mid fashilinaaya heshiiska Imaaraadka ee dekadda Berbera loogu gacan geliyay Imaaraadka oo saldhig milateri ka dhisaneyso.

Shalay ayey aheyd markii ay xabsiga dhigtay agaasimaha Telefishinka Universal Eng. Axmadeey Abubakar, inkastoo saacado kadib xorriyadiisa loo soo celiyay, mana jirin sabab rasmi ah oo loo xiray.

Shacabka Somaliland ayaa heshiiska Imaaraadka u arka mid halis gelin kara amniga Somaliland iyo guud ahaan mandaqada gobolka, waxayna shacabka dareenkoodu uu yahay mid kacsan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada