daajis.com:- Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey oo ah Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka ee Soomaaliya mudane, Maxamad Cabdullaahi farmaajo..
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay abaarata ka jirta dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Puntland iyo sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka abaarta ku habsetay.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa waxa uu sheegay in abaar baaxadweyn ay ka jirto dhammaan deegaanada Puntland, waxaana uu si qoto dheer uga xog waramay saameynta ay ku yeelatay abaartani dadka reer guuraaga ah ee ku dhaqan degaanada Puntland.
Mudane Cabdixakiin Camey ayaa u sheegay madaxweynaha Soomaaliya in ay jiraan xoolo dhaqato Soomaaliyeed oo ku soo hayaamay qaarkamida Gobolada Puntland kuwaas oo ka kala yimid Waqooyiga, Galbeedka, iyo Koonfurta Soomaaliya, dadkanina ay u baahanyihiin gargaar deg deg ah.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at